Kulan looga hadlayay dhamaystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo diiwaan gelinta hab online-ka oo lagu qabtay Muqdisho

La wadaag cid kale

SONNA (MUQDISHO) Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Khaliif Cabdi Cumar ayaa maanta shir guddoomiyey shirka toddobaadlaha ee Wasaaradda Ganacsiga kaa oo loogga hadlayay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo gaar ahaan dhammeystirka Xog-kaydiyaha Ganacsiga iyo Habka Onlaynka ah ee diiwaan-gelinta iyo bixinta Laysimada shirkadaha Ganacsiga oo labadoodu ba maraaya heer gebo-gabo ah.

Barnaamijka Xog-kaydiyaha Ganacsiga, ayaa ah Website lagu uruurinayo guud ahaan macluumaadka kala duwan ee la xidhiidha Ganacsiga kaasi oo ahmiyad weyn u leh dhaqaalaha dalka, fududeynta ganacsiga, iyo maal-gashiga. Waxaana muddooyinkii dambe la waday uruurinta xogaha la xidhiidha ganacsiga kuwaasi oo lagu kaydinayey Website ka si ganacstada iyo maal-gashadeyaasha kale ba ay u heli karaan xogaha Ganacsiga iyo Maal-gashiga dalka.

Sidoo kale, Habka online-ka  ee diiwaan-gelinta iyo bixinta laysimada Shirkadaha ganacsiga,ayaa isagu na ah Website ay ganacsatada iyo maal-gashadeyaashu qaab online ah uga soo dalban karaan laysimadooda Ganacsi taasi oo fududeynaysa Ganacsiga iyo maal-gashiga dalka maadaama iyada oo ganacsadahu uu joogo xafiiskiisa iyo meheraddiisa shaqo uu soo dalban karo inuu qaato laysinka Ganacsi ee uu doonayo.

labadan hab ayaa qeyb ka ah dib-u-habaynta Ganacsiga dalka iyo sidii ganacsatada loogu fududeyn lahaa adeegyada ganacsi ee ay Wasaaraddu bixiso.

La wadaag cid kale