Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar, Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi, ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mudane . Adam Abdelmoula iyo Madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia, ayaa maanta si wada-jir ah u daah-furay wejiga labaad ee mashruuca horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka (PSDP).
Madasha lagu daah-furay laguna saxiixay mashruuca oo uu ka soo qeyb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxa mashruuca ku baxaysa lacag dhan 2-Milyan oo dollar oo ay ku deeqday dawladda Talyaaniga, taas oo ay hir-gelintiisa hoggaaminayso hay’adda UNIDO ee Soomaaliya, hay’adda FOA, iyo hay’adda ILO oo kaashanaya Wasaaradaha Ganacsiga, Beeraha iyo Kalluumaysiga iyo Shaqada.
Mashruucan, ayaa wuxu ahmiyad gaar ah u leeyahay horumarinta qeybaha iyo hay’adaha kala duwan ee wax-soo-saarka dalka sida Beeraha, shaqo-abuurka, Kalluunka, taageerista hal-abuurka ganacsatada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha si ganacsatadu ay wax-soo-saarkooda ugu dhoofin karto dalka dibaddiisa iyo guud ahaan horumarinta ganacsiga Soomaaliyeed.