Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta gaaray Magaalada Kampala ee Caasimadda Dalka Uganda , Waxaana uu kulan la qaatay Xubno ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Dalkaas oo uu ugu horreeyo Wasiirka Difaaca Uganda.
Wafdigan uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga XFS Avv.Xasan Xuseen Xaaji ayaa Kampala ugu qeyb-galaya Shirka Wasiiradda Difaaca Ee Xubnaha ah AESF oo biri ka furmi doonno Dalkaas.