Muqdisho (SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabaas Amiin ayaa waxay Kormeereen taliska Qeybta 60 -aad ee Ciidanka Xoogga, Taliyaha qeybta 60 -aad Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa ku soo dhaweeyay Xarunta Taliska , waxaana Masuuliyiintan ay booqdeen qeybaha kala duwan ee Hoggaanada Taliska qeybta ee ay ku shaqeeyaan.
Taliyaha qeybta 60- aad Sarreeye Guuto Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa Tilmaamay in isbadal weyn uu ku sameeyay qeybaha kala duwan Taliska qeybta 60 aad, Sidoo kale waxa uu tilmaamay intii uu xilka hayay in guullo wax ku ool ah ay ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisadda Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay horumarka ballaaran ee qeybta 60 aad ay sameysay, waxaana uu Ciidanka Xoogga dalka ku ammaanay sida ay ugu go’antahay ciribtirka cadowga , sidoo kale Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga oo kaashaneysa Madaxda Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Dhexe ay sii laba jibaari doonaan tayeynta, qalabeynta , Tababaridda iyo Horumarinta Ciidanka , si looga guuleesto cadowga, loona helo Cudud Ciidan oo lagu faani karo .