Muqdisho (SONNA)- Wasiir Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta aaladda foggaan aragga uga qeyb galay Shirka 1037 Ee Golaha Amniga Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa warbixin ka siiyey Golaha xaalada Amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, Sidoo kale, Wasiirka ayaa warbixin Ka siiyey Golaha kulamo Muqdisho uga socda khubaro Ka Socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ,Shirarkaas oo qabsoomay bishii Agoosto 2021, laguna diyaarinayay Warbixin ku saabsan qaabka uu noqon doono howl-galka ciidamada AMISOM Ee Sanadka 2022.
Wasiirka ayaa xoogga Saaray ahmiyada ay leedahay in Ciidanka Xoogga Dalka ay qaataan Masuuliyada Amniga Dalka iyaga oo garabsanaya AMISOM.