Muqdisho(SONNA:-Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur,oo ka qeyb galayay shirka madasha Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta ayaa sheegay in warbaahintu ay kaalin wey ka qaadatay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo sidii bulshada looga wacyigalin lahaa fariimaha qaldan iyo ka been sheegida diinta islaamka.
“Guulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah maadaama ay soo bandhigtay boobka ay dadka u geysteen” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamad Nuur.
Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tilmaamay in dowladda ay guula wawey ka gaartay dagaalka lagula jira khawaarijta,waxa una warbaahinta dhamman ugu baaqay in laga wada shaqeeyo mideynta fariimaha dowladda iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta.
Shirka madasha Istiraatiijiyadda iyo xiriirka warbahinta Soomaaliya oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda warfaafinta ayaa ujeedka ugu muhiimsan waxa uu yahay sidii loo mideyn lahaa fariimaha dowladda iyo ka shaqeynta qorshaha hormarinta dalka,waxana ku biiray maanta wasiirro iyo xubno katirsan beesha caalamka.