Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda ee Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Duran Axmed Faarax ayaa maanta tabbabar u soo xiray kooxdii u horraysay oo si gaar ah kaga shaqaynaysa amniga Garoomada dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in ahmiyad ย gaar ah ay u leedahay in la tayeeyo amaanka garoomada dalka, isagoona sheegay in taasi ay keenay in diyaarado badan oo caalamiya ay dalka ku soo hirtaan.
โAmniga Garoomada dalka in xil weyn aan iska saarno waa ahmiyada kowaad ee shaqadeena, waxayna sahlaysaa in sawir wanaagsan ay ka bixiso Garoomada dalka oo ah muraayada dalka laga eegayoโโayuu yiri Wasiir Duran Farah.
Dhanka kale Saraakiisha tababarka loo soo xiray ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin shaqada ay Qaranka u hayaan, iyagoona wasiirka Gaadiidka uga mahadceliyay dhiiragalintiisa.
Dalkeena oo ka soo kabanaayo daggaallo sokeeye ayaa ahmiyad siinaya sidii adduunka ay ugu xirmi lahaa.