Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay safiirka Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad, iyagoo ka wada-hadlay qorshaha loogu diyaar garoobayo duulimaadyada Xajka, iskaashiga horumarinta dhinacyada gaadiidka iyo duulista Hawada.
Wasiir Fardowsa, ayaa xaqiijisay in qorshaha sannadkan ee dowladda ee ku aaddan Hajka inuu yahay mid lagu doonayo in la fududeeyo duulimaadyada qaadaya xujeyda. Waxayna intaa ku dartay in iskaashiga iyo xiriirrada caalamiga ah ee duulimaadyada, Duuslita Hawada iyo Gaadiidka uu door muuqda ka qaadanayo qorshaha iyo dadaallada horumarinta ee dhinacyada.