Muqdisho-(SONNA)-Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee BJFS oo gudanaya waajibaadka ka saaran kor joogtaynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta u yeeray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS , Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Cabdifitaax Qaasim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda difaaca si ay su’aalo uga weydiiyaan howlaha Wasaaradda.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Gaashaandhigga wax laga waydiiyay warbixin guud oo ku saabsan howlaha Wasaaradda, halka ay marayaan howlgallada Dalka looga xoreynayo argagixisada, guulaha laga gaaray wejigii koowaad, qalabka iyo tababarrada Ciimadamada, weerarkii kulliyadda Jaalle Siyaad iyo su’aalo kale, taas oo Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenku ay si faahfaahsan xubnaha Guddiga ugu war bixiyeen.
Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare Senator, Aadam Cabdinaasir oo kulanka shir guddoominayay ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda uga mahad celiyay sida hufan ee ay warbixinta uga siiyeen howlaha Wasaaradda iyo su’aalihii kalaba.