Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeybgalay kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan aragga ee Zoom-ka, kaas oo ay ka qeybgalayeen Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo Madaxa Hayโadda UNICEF ee Soomaaliya Jesper Muller, sidoo kale waxaa ka qeybgalayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin ,waxaana diiradda lagu saarayย ka hortagga askareynta carruurta ,
Wasiirka Difaaca ayaa tilmaamay in dowladdu ay dadaal galisay arimahaas, sidoo kale Wakiilada Qaramada Midoobay, UNICEF iyo UNSOMย ee Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku ammaaneen dadaallada ay galisay ka hortaggga askareynya carruurta iyo fulinta heshiisyada caalamiga ah ee hore Soomaaliya u saxiixday,
Sido kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xusay dhowr tallaabo oo muhiim ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaday ee ku aaddan hannaanka hirgelinta Qaraarkii UNSC ee 1612 (2005) oo ay ka mid tahay:-
- Saxiixidda laba Qorshe Hawleed sanadkii 2012 ee kala ah joojinta qorista iyo adeegsiga iyo joojinta dilka iyo curyaaminta carruurta.
- Bixinta Amarka Guud ee Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ee 21 Augosto 2017 si looga hortago qorista iyo adeegsiga carruurta iyo xadgudubyada kale ee waaweyn ee ka dhanka ah carruurta ee ay geystaan Ciidanka .
- Saxiixidda Qorshaha hirgelinta qorshayaasha waxqabad ee lagu joojinayo qorista iyo adeegsiga iyo sidoo kale dilka iyo curyaaminta carruurta ee ay geysteen Ciidamadaย sannadkii 2019-ka.
Masโuuliyiintaย Wasaaaradda Gaashaandhigga oo ka duulaya qodobka 29 aad ee Dastuurka KMG ee Soomaaliya ayay Wasaaradda dadaal Xooggan galisay ka hortagga iyo wacyi-galinta Askareynta carruurta.