Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa cambaareeyay qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyey qof naftii hallige ah oo isku soo xiray walxaha qarxa kaas oo lagu weeraray maqaaxi ay ku shaahayeen dad shacab oo ku taal degmada wadajir.
โWaxaan cambaareynayaa falkaas wushuushnimadda ah ee argagixisaddu ay ku dhibaateeyeen shacab aan waxba galabsan oo ku sugnaa goob maqaayad ah. Waxaan Allah (SW) uga baryayaa in uu Janada ka waraabiyo intii ku shahiidday, caafimaad deg-deg ahna siiyo intii ku dhaawacantayโ ayuu wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka sheegay inay lagama maarmaan tahay in loo midoobo dowlad iyo shacab sidii la iskaga qaban lahaa cadowga arxanka daran.