Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay casho sharaf ku maamuusay haweenka ku jira ciidanka xoogga dalka, ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan xoreynta dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu ogtahay qiimaha ay haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin qaranka, isagoo dhanka kale, kaga mahadceliyay in ay doorteen ku biiritaanka ciidamada xoogga dalka, xilli daruufo adag dalka uu ku jiray.
” Waxaan rabbaa in aan idn kaga mahadceliyo in aad doorateen in aad ciidamada xoogga dalka ku soo biirtaan, waajib cid walba gudan karto ma ahan,marka lagu soo biirayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxa aad ka soo tanaasuleysaa wax walba oo adiga nolol gaar ah ku sameysan lahayd, waxa aad ka tanaasuleysaa naftaada oo adduunka waxa kaliya oo ugu qiimaha badan oo aad haysatid ah,” ayuu yiri wasiirka.
Wasiirka Difaaca dalka, ayaa u qiray haweenka doorkooda taariikhiga ah ee halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, wuxuuna carabka ku adkeeyay taageerada haweenku ay u fidiyeen taakuleynka ciidamada xoogga dalka ee ku jira daaglka ka dhanka ah Khawaarijta.