Muqdisho (SONNA) Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tagay safaaradda Soomaaliya ee Serbia, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweeyeen danjiraha Soomaaliya u fadhiya Serbia iyo howlwadeenada Safaaradda.
Amb.Maxamed Cabdullaahi safiirka Soomaaliya ee Serbia ayaa wasiirka warbixin ka siiyey howlaha muhiimka ah ee ay safaaraddu u heyso ummadda Soomaaliyeed.
Wasiir Maxamed Barre ayaa safiirka iyo howlwadeenada safaaradda ku bogaadiyey shaqada mugga weyn leh eeย safaaradu u heyso shacabkaย Soomaaliyeed iyo shaqada adag ee lagu dhisayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal.
Booqashada wasiirka ayaa ka mid ah safar shaqo oo uu ku joogo dalka Serbia, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula qaatay masโuuliyiin ka tirsan dowladda Serbia