Muqdisho.SONNA…Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirada uga mahad celiyey ansixinta heshiiska Fududeynta Gaadiidka Badda Caalamiga ah ee FAL ,kaas oo ahaa halbeegyadii hortabinta ee la dajiyay 1965-tii.
Wasiirka ayaa xusay in Ku biirista FAL 1965, muhiimaddeedu tahay fududeynta iyo mideynta habraacyada maraakiibta marka ay imanayaan ama ka baxayaan dekedaha caalamiga ah, si loo yareeyo dib-u-dhacyada, loona kordhiyo hubantida iyo waafajinta heerarka caalamiga ah.
Wasiirka Wasaaradda ayaa wada dadaal lagu xoojinaayo sii dhameystirka howlaha muhiimka u ah ilaalinta baddda iyo inaan lala jaanqaado shuruucda caalamkaa ee badaha.