Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa gaaray magaalada London ee Dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka (IMO).
Wafdiga wasiirka waxaa qeyb ka ah Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameriko) iyo masuuliyiin kale.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya UK Danjire Cabdulqaadir Cabdi Xaashi iyo xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha ee Heathrow si weyn ugu soo dhaweeyay.
