Baku (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Marwo Khadija Mohamed Almakhzoumi, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Saadaasha Hawada (World Meteorological Organization WMO) si loo xoojiyo adkeysiga cimilada ee Soomaaliya.
Ajendaha kulankan ayaa diiradda saaraya horumarinta sharciyeynta Hay’adda Qaranka Saadaasha Hawada ee Soomaaliya (SNMA), taageerada farsamo iyo howlgalka WMO, iyo nidaamyada digniinta degdega ah ee saadasha si looga caawiyo bulshada inay ka foojignaadaan saameynta cimilo xumada.
Waxaan u heelanahay dhisidda nidaam qaran oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah, kaas oo u noqonaya lafdahabar horumar waara uu dalka gaaro.