Roma,(SONNA):- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa magaalada Roma kulan mira dhal ah kula qaadatay Agaasimaha Guud ee Hayโadda Qaramada Midoobe u u qaabilsan cuntada iyo beeraha (FAO) Mr. QU Dongyu.
Wasiirka iyo Mr. QU Dongyu ayaa ka wada hadlay muhiimmadda ka wadashaqeynta dhismaha u adkeysiga bulshadeena ee aafooyinka isbedelka cimilada iyo dhismaha nidaam cunto waare.
Dowladda federalka ayaa dadaal xooggan ugu jirta dardar gelinta howlaha la xiriira haqab-beelka cuntada, waxaana socda qorshe lagu kordhinayo wax soo saarka dalka si isku filnaansho loo gaaro.