Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada
GudahaWararka

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada oo Furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada

By SB
Last updated: August 21, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONN:- Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada iyo Dhallinyarada, kaas oo diiradda saaraya ka-qaybgalka dhallinyarada ee go’aan-qaadashada siyaasadaha cimilada, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo horumarinta xalalka waara ee dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Cabdulqaadir, Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka, Dhallinyarada iyo xubno ka socda hay’adaha dowladda, ururada bulshada rayidka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Ujeedada shirku waxay ahayd in la mideeyo aragtida dhallinyarada laguna dhiirrigeliyo ka-qaybgalka siyaasadaha qaranka ee cimilada, iyo in la xoojiyo xalalka waara ee lagu horumarinayo dhaqaalaha cagaaran iyo bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir, ayaa khudbaddiisa ku sheegay: “Waxaan aad ugu faraxsanahay in la qabto shirweynahan, waxaana rajaynaynaa in shirarka dambe aan si wadajir ah u qaban doono annaga iyo Wasaaradda Deegaanka, si dhallinyaradu uga faa’iidaystaan fursado badan oo wax ku ool ah.”

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), ayaa dhanka kale yiri: “Maadaama dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta mustaqbalka dalka, waxaan qorsheynaynaa inaan qabanno shir ka ballaaran kan maanta, maadaama shirkan uu ahaa mid kooban oo kaliya lagu qabtay magaalada Muqdisho. Waxaan rabnaa in dhallinyaradu ay kaalin muuqata ka qaataan go’aan-qaadashada, hirgelinta siyaasadaha cimilada iyo xalalka waara ee horumarinta dalka.”

Waxa uu shirku sidoo kale fursad u noqday in dhallinyaradu ay fikradahooda iyo aragtidooda ku biiriyaan qorsheyaasha qaranka ee cimilada, loona diyaariyo Soomaaliya mustaqbal waara.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka cusub ee…

GudahaWararka
April 12, 2023

Agaasimaha haya’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Jarmalka

Muqdisho(SONNA):-Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxda Xiriirka Dowladaha ee Federaal Booliiska…

GudahaWararka
January 22, 2026

Joe Biden oo loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Maraykanka

Washington (SONNA)- Musharaxa Xisbiga Demoqoraadiga Joe Biden oo soo noqday madaxweyne ku xigeenka Maraykanka muddo xileedkii Obama ayaa ku guulaystay…

CaalamkaWararka
November 7, 2020

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka iyo R/wasaaraha Israel oo ka hadlay dagaalka Gaza

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Kamala Harris ayaa ballan qaaday in aysan ka aamusi doonin dhibaatada ka taagan Gaza, isla markaana…

Caalamka
July 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023