Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Agaasimaha haya’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Jarmalka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Agaasimaha haya’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Jarmalka
GudahaWararka

Agaasimaha haya’adda socdaalka iyo jinsiyadaha oo kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Jarmalka

By SB
Last updated: January 22, 2026
2 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka oo uu hoggaaminayo Madaxda Xiriirka Dowladaha ee Federaal Booliiska Mudane Colonel Niels Zimmermann ayaa booqasho shaqo ku yimid dalka Soomaaliya, halkaas oo ay kulan kula yeesheen Madaxda Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) uu ugu horreeyo Agaasimaha Guud Mudane Mustafa Dhuxulow wafdigan ayaa Booqasho ku joogay  magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 21–22 Janaayo 2026, ayaa ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah, is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta wada-shaqeynta dhinacyada maareynta socdaalka, sugidda amniga xuduudaha, horumarinta baasaboorka Soomaaliga iyo la dagaallanka socdaalka sharci-darrada ah.

Inta lagu guda jiray booqashada shaqo, wafdiga Jarmalka ayaa booqday Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow uga indha-indheeyeen maareynta rakaabka imanaya iyo kuwa baxaya, khadadka koontaroolka 1-aad iyo 2-aad, hawlaha Qaybta Baarista Dukumentiyada iyo nidaamka guud ee maareynta xuduudaha, iyagoo si gaar ah u eegay doorka HSJ ee sugidda amniga qaranka.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafa Dhuxulow ayaa wafdiga si rasmi ah u soo dhaweeyay, isaga oo si gaar ah uga mahadceliyay Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka aqoonsiga Baasaboorka Diblumaasiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo muujinaysa kalsooni iyo xiriir diblumaasiyadeed oo adag.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay hay’addu uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga caalamiga ah, isla markaana xoogga saartay is-dhaafsiga khibradaha, si loo dhiso hay’ad awood leh oo la jaanqaadaysa hay’adaha caalamiga ah.

Kulamada labada dhinac ayaa lagu gorfeeyay waajibaadka iyo qaab-dhismeedka HSJ, mudnaanta istiraatiijiyadeed ee hay’adda, iyo dadaallada la xiriira ka hortagga tahriibka dadka, dambiyada abaabulan, iyo socdaalka sharci-darrada ah ee dhulka, cirka, iyo badda. Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay fursadaha iskaashi ee mustaqbalka, taageerada farsamo, is-dhaafsiga macluumaadka, iyo xoojinta awoodda shaqaalaha hay’adda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay furitaanka kalfadhiga 46-aad ee golaha maamulka Sanduuqa caalamiga ah oo ka furmay Rome

Rome-(SONNA)-Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ee ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaniga…

GudahaWararka
February 14, 2023

Wasaaradda ganacsiga XFS oo hirgelinaysa Xarunta Mideynta Adeegyada dawladda

Muqdisho (SONNA):-Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Cisman Maxamed Cabdi (Daallo) oo maanta…

GudahaWararka
February 11, 2023

Xulka qaranka Soomaaliya oo isaga soo haray tartanka bariga iyo bartamaha Afrika kaddib barbaro ay la galeen Eritrea

Lugogo (SONNA)-Xulkeenna qaranka Soomaaliya ayaa isaga soo haray tartanka bariga iyo bartamaha Afrika kaddib markii ay barbaro goolal la’aan ah…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Culima udiinka Soomaaliyeed oo meel adag ka istaagay wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):-Culimada Soomaaliyeed ayaa  si adag uga hadalay dagaalka ka dhanka Khawaarijta waxaan ay sheegeen in loo baahan yahay in loo…

GudahaWararka
August 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023