Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimillada xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwoย Khadiijo Maxamed Almakhzoumi oo safar shaqo ku joogta dalka Finland ayaa maanta la kulantay Wasiirka arrimaha dibadda Finland mudane Pekka Haavisto.
Waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashi laga sameeyo isbedelka cimilada iyo taageerada Finland ee dadaalka soo kabashada dalkeenna Soomaaliya.