Muqdisho (SONNA)- Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad, wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan warsame, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo xuno kale oo ka tirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda.
Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ย ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay soo dhawaynta wasiirka cusub isagoo u rajeeyay in uu Alle u fududeeyo masโuuliyadda culus.
โAad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta soo dhaweeyo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuukar, waana kula shaqeynayaa si uu uguto waajibaadka culus ee loo igmadayโ ayuu yiri wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda.
Wasiirka magacaaban ee wasaaradda arrimaha dibadda xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar ayaa uga mahadceliyay xubnaha soo dhaweeyay, waxaana sidoo kale uu madaxweynaha dalka iyo Raโiisul wasaaraha Xukumadda uga mahadceliyay magacaabista isagoo xusay in ย uu halkeeda kasii wadayo shaqada loo igmaday.
โWaxaana marka hore uga mahadnaqayaa Madaxweynaha iyo Raโiisul wasaaraha dalka fursadda ay ii siiyeen inaan ka mid noqdo xukumadda si aan qayb-uga noqdo hannaanka lagu xoojinayo dowladnimada,sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa wasiirkii hore wasaaradda arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad shaqadii wanaagsanayd ee uu soo qabtay.
Raโiisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa 20-kii bishaan isbeddel uu ku sameeyay wasaaradda arrimaha dibadda ugu magacaabay Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.