Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya
    December 26, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    December 26, 2025
    Guddoomiyaha guddiga midowga Afrika oo Hambalyo u Diray Shacabka Soomaaliyeed
    December 26, 2025
    Mareykanka oo duqeeyay koox Daacish ah oo ku sugan Nigeria
    December 26, 2025
    Madaxa Baarlamaanka Carabta oo soo dhaweeyay doorashada golaha deegaanka ee ka dhacday Muqdisho
    December 26, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Cadaaladda XFS”waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg caddaaladeed”(Sawirro)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Cadaaladda XFS”waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg caddaaladeed”(Sawirro)
GudahaWararka

Wasiirka Cadaaladda XFS”waxaan xoogga saaraynaa in shacabka uu helo adeeg caddaaladeed”(Sawirro)

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 19, 2020
2 Min Read
Share

Baydhabo(SONNA) Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/qaadir Maxamed Nuur(Jaamac) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka warbixiyay qorshayaasha ugu degsan wasaaraddiisa dhanka horumarinta adeegyada Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka.

Wasiirka oo safar ku jooga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa booqday xabsiga Dhexe ee Baydhabo iyo xabsi cusub oo uu ku socdo dhismo,waxaana ku wehliya kormeerkaasi Wasiirka Cadaaladda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Isagoo ka hadlaya ahmiyadda Cadaaladda ayuu sheegay in ay yihiin aas aaska dowladnimo,la’aantoodina horumar amni,mid bulsho iyo dhaqaale midna hagaagaynin.

“Waxaa ii qorsheysan in la hormariyo dhamaan haydaha garsoorka Federalka iyo Maamul goboleedyada 2021 da waxaa noo qorsheysan in aan dhisno xabsiyo casri ah dhameystirnana kuwa hadda socda sidoo kale inaan tayeyno dhamaan garsoorayaasha iyo xeer ilaalinta iyo dhismooyinka maxkamaduhu ku shaqeen lahaayeen”. Ayuu yiri wasiirka Cadaaladda XFS.

Wuxuu sidoo kale intaasi ku daray in ka wasaaradda ahaan ay dadaal ku bixin doonaan sidii shacabka Soomaaliyeed loogu dhoweyn lahaa adeegyada Cadaaladda.

Wasiir Jaamac ayaa waxa uu la kulmay howl wadeenada wasaaradda cadaaladda ee KGS, Wuxuuna bogaadiyey shaqada cadaaladeed ee ka socota guud ahaan koonfur galbeed gaar ahaan xafiiska wasaaradda.
Wasiir jaamac aya sido kale tilmaamay in wasaarada cadaalada DFS ay dadaal ku bixinayso sidii shacabka dowlad gobaleedka konfor galbeed ay ugu xaqiijin lahayd hannaan caddaaladeed oo hufan, isagoo warbixinno la xiriira howllaha adag ee ay u hayaan bulshada ka dhageystay masuuliyiinta ugu horeeyo wasiirka wasaaradda cadaaladda KGS iyo taliyaha ciidanka asluubta KGS.
Gabgabadii socdaalka uu ku yimid wasiir (jaamac) ayaa waxaa uga mahadceliyey Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo garsoorka DG KGS mudane Maxamed Xuseen Xasan (John)

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Golaha Wasiirrada XFS oo mowqif cad ka qaatay tallaabada gardarrada ah ee Israa’iil kusoo qaaday madax-bannaanida Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Dawladda Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale si cad oo aan gorgortan geli karin…

December 26, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madax ka kala socda Falastiin iyo Israel oo ku kulmay Masar

Mas’uuliyiin ka kala socda Israa’iil iyo Falastiin ayaa maanta ku kulmay magaalada loo dalxiis tago ee Sharmal Sheekh ee dalka…

Caalamka
March 19, 2023

Madaxweynaha Galmudug mudane Ahmed Abdi Kaarie oo kormeeray goobihii laga xoreeyay Kooxaha Argagaxisada

Muqdisho-SONNA-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kormeer ku tagay goobihii laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ah ee Shabaab. Madaxweynaha…

GudahaWararka
July 22, 2021

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA kulan muhiim ah la qaatay culumada Soomaaliyeed

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa…

GudahaWararka
December 28, 2024

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga oo burburiyay 2-diyaaradood oo kuwa Droniska ah

Ciidamada Isbaheysiga ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa maanta oo Jimco ah sheegay inay burburiyeen labo diyaaradood oo nuuca Darooniska ah…

Wararka
November 6, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023