Muqdisho (SONNA) Wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha dastuurka XFS Xasan Macalin Maxamuud ayaa kulan la qaatay Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta dastuurka.
Xubnaha Guddiga ayaa wasiirka uga warbixiyay halka ay mareyso howsha dib u eegista dastuurka.
Wasiirka ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in marka la dhammeystiro sharciyadooda ay dar-dargaliyaan arrimaha dib u eegista dastuurka iyo dhamaystirkiisa, ayna muujiyaan dedaal kudhisan howlkarnimo.