Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey munaasadda siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani ayaa sheegay in xilligaan lagu soo duulay diinta, loona baahan yahay in la xorreeyo.
Wasiir Xasan Macallin oo ka hadlaya arrintaas ayaa yiri, โDalka inta aan lagu soo duulin diinta ayaa lagu soo duulay, diinta ayaa duulaan lagu yahay, cadow isku soo bahaystay ayaa ku soo duulay. Diinta markii aan Nimanka ka xarOreyno dalka wuu xaroobayaa, dowladnimada way xorreybeysaa, dalka wuu xarroobayaa, hoggaanka ayaa halkaas looga fadhiyaa.โ
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa sheegay 15 sano uu siyaasadda uu ku jiray in uusan arkin hoggaan wada socda oo dowladdii iyo culimadii leh.
โHoggaan wada socda, oo dowladdii leh, oo culimadii leh, oo mideysan, 15-ka sano ee aan Siyaasadda ku jiray maanan arag. Hoggaan midaysan oo ku midaysan u jeedo mid ah, hoggaanka culimada, hoggaanka dalka iyo dowladda oo ku midaysan hadda ka hor maanan arag,โ sida uu yiri Wasiirka.
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa qeyb ka ahaa madax ka qeyb gashay siyaarada Sheekh Cabdulqaadir Jeylaani oo maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.