Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macalin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Professor Axmed Ismaaciil iyo Professor Maxamed Al faatix oo ah khuburo sharci oo ka yimid dalka Suudaan.
Wasiir Xasan Macalin oo ay wehliyaan Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dala iyo howl-wadeenno ka tirsan qeybaha Sharciyada iyo garsoorka iyo khuburada ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray is-dhaafsiga waaya-aragnimada arrimaha sharicga iyo Garsoorka ee Suudaan iyo Soomaaliya.
Wasiirka oo soo dhaweeyay aqoonyahannada ayaa uga mahadceliyay booqashada ay ugu yimaadeen, waxuuna dalka Suudaan u rajeeyay dib-u-kabasho dhammeystiran.
Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xariir walaaltinimo qota dheer oo soo jireen ah, sidoo kale Suudaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar laโaanta ah u taageeray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen.