Muqdisho (SONNA): Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka dowladda FS mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Michael Nithavrianakis.
Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada ah ee boqortooyada Ingiriisku la garb taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalinta ay cadaaladda iyo garsoorku ku leeyihiin xasiloonida, iyo in deegaannada khawaarijta laga xoreeyay laga hirgeliyo adeegyo cadaaladeed.
Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa garab istaagga hagar laโaaneed uga mahad celiyay dowladda ingiriiska oo kamid ah dowladaha kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiska dowladda Soomaaliyeed.