Muqdisho(SONNA)-Wasiirka Wasarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyey Shir duceed lagu casuumay Wasiirada Wasaaradaha Caafimadka Urur Goboleedka Afrika iyo Bariga Mediterrean-ka ee Heyโadda Caafimaadka Adduunka oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay islamarkaana daba socdo Shirar isdaba jooga ah oo la xiira Shirka COP28 ee ka socda Magaalada DUBAI.
Khudbadda Wasiirka ayaa diiradda lagu saaray sida ay Soomaliya ugu goโan tahay xal u helidda xaaladaha ka dhashay Isbadalka Cilimadda iyo saameynta uu ku yeeshay Caafimaadka.
Si gaar ah ayuu Wasiirka ugu nuux nuuxsaday saameynta ay ku yeelatay Soomaaliya oo ay ka mid tahay Abaarihii u dambeeyey ee dalka ku dhuftay sidoo kale hada oo ay dadka Soomaaliyeed Wajahayaan EL Nino ( Fatahaad aad u baaxad weyn) taasoo gaysatey qasaarooyin isugu jira barakac, nafaqadaro iyo cuduradda faafa.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ku ayaa tilmaamey muhiimadda ay lee dahay xoojinta nidaamka Caafimaadka dalka oo lagu daray joogtaynta ka hor tagga isbadalka cimiladda iyadoo loo maraayo isku xirka xogta isbadalka cimiladda iyo midda Caafimaadka, iyo sidoo kale xoojinta Caafimaadka bulshadda ayaa u ah aas aas arrimaha hormartinta iyo ka hortagga qataraha ka dhasha isbadalka cimilada.