Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa Madasha Kasmaal kala qeyb galay dood cilmiyeed uu qodobka doodda ahaa โMaalgelinta daryeelka caafimaadka Soomaaliya iyo caqabadaha kutiirsanaanta maalgelinta deeq bixiyeyaashaโ.
Waxaa kulan kaan ka soo qeyb galay Ardayda Soomaaliyeed ee barata Caafimaadka iyo bahda aqoonyahanadda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Kampala ee dalka Uganda.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa si qoto dheer u sharaxay maalgalinta Caafimaadka Soomaaliya hesho iyo hababka looga maarmi karo ku tiirsananaanta taageerada ka timaada deeq bixiyaasha caalamka.
Guddoomiyaha Madasha Kasmaal Mudane Shaafici Ali Nugaal oo kulan ka soo xiray ayaa uga mahadceliyay wasiirka Caafimaadka Dr Ali Hajji in uu dhalinyarada Soomaaliyeed siiyo fursadaan quruxda badan uuna ajiibay codsiga madasha.