Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah
GudahaWararka

Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah

By shiine Shiine
Last updated: March 31, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka ayaa gaarey durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Caruurteeda isagoona warbixin ku saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayey Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa hormarinta Caafimaadka iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla markaana gaara goob kasta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeekka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood ku dhashey maanta Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir.

Wasiirka ayaa gaarey durba Isbitaalka si uu ula socda Xaaladda Hooyada Soomaaliyeed ee Alle Subxaanahuu Watacaalaa ku Arsaaqey Afarta Gabdhood, waxa uuna dhaqaatiirta waraystay xaaladda Caafimaad Hooyada iyo Caruurteeda isagoona warbixin ku saabsan xaaladdooda ka dhageystay Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo dhaqaatiirtii sida gaarka ah uga adeegayey Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aaden ayaa Gabdhaha Mataanaha ah u bixiyey Magacyo waxa uuna u kala bixiyey Qamar iyo Zahra oo lagu kala Samiyey Marwooyinka Qaranka, halka labada kalena loo bixiyay Fartuun oo iyaduna lagu Samiyey Agaasimaha Isbitaalka Hooyadda iyo Dhallaanka ee Banaadir Dr Fartuun Shariif iyo Xalwo oo loogu magacdaray Umulisadii Hooyo Maryan Maxamed Xasan ka dhalisey Caruurta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa Hooyo Maryan ku wareejiyey Hadiyad hordhac ah oo uu ugu talagaley farxadda Hooyada Soomaaliyeed ee heshey hadiyadda Alle ee Mataanaha ah, waxa uuna ballan qaadey in ay ka warqabi doonaan oo ay si dhow ula socon doonaan Xaaladda Caafimaad ee Hooyada iyo Caruurteeda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa waajib ka saaran ilaalinta iyo badqabka Caafimaad ee Muwaadinka Soomaaliyeed meelkasta oo uu ka joogo Dalka, waxayna sii laba laabi doontaa hormarinta Caafimaadka iyo sidii Muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo bilaash ah isla markaana gaara goob kasta.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”

Muqdisho.SONNA...Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha JFS oo gaaray Magaalada Doha ee Dalka Qadar

Doha(SONNA(:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar,…

GudahaWararka
February 7, 2026

UN-ka oo lagu qasbay hakinta gargaarka iyo Israel oo dishay in ka badan 20 ruux

Ciidamo ku hubeysan taangiyada Israel ayaa qaramada midoobay ku qasbay in ay hakiyaan howlihii gargaarka ee ay ka wadeen Deir…

Caalamka
August 27, 2024

Dowladda oo digniin u dirtay macalimiin xogtooda la helay

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dowladdu digniin ugu dirtay macalimiin xogtooda…

Wararka
September 12, 2024

Araday Soomaaliyeed oo ka qalin jebisay Jaamacadda Islamic Universty of Minnesota

USA-(SONNA)-In ka badan 50 Arday oo Soomaali ah, isla markaana baratay Culuumta Axaaddista ayaa ka qalin-jebisay Jaamacadda Islamic Universty of…

WararkaWargayska
September 1, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023