Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar, ayaa ka qayb-galay meertada 61-aad ee shirka golaha wasiirada caafimaadka Carabta oo lagu qabtay magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq.
Shirka ayaa looga hadlay arrimaha caafimaadka ee gobolka, iyadoo la adkeynayo iskaashiga iyo istiraatiijiyadda horumarinta adeegyada caafimaad ee waddamada Carabta.
Wasiir Cali ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay dadaallada ay Soomaaliya ugu jirto dib u habeynta iyo xoojinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa la xiriira hooyada iyo dhallaanka iyo horumarinta awoodda xirfadeed ee shaqaalaha caafimaadka, iyadoo la xoojinayo tababarka iyo baahinta adeegyada caafimaad ee dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah iyo taageerada joogtada ah ee dhinaca caafimaadka ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta.