New Delhi-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan Abubakar oo uu wehlinayo Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Hindiya Mudane, Axmed Cali Daahir ayaa kulan gaar ah la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka qoyska ee dowladda Hindiya Mudane, Mansukh Mandaviya.
Kulanka labadada Wasiir ayaa looga hadlay arrimo aad muhiim ugu ah labada dal oo ay kamid yihiin,ย iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta Caafimaadka, kor u qaadida kaabayaasha Caafimaadka, tababarrada shaqaalaha Caafimaadka, tayada daawada iyo isticmaalka qalabka, Tignoolojiyadda, si loo horumariyo adeegyada Caafimaadka.
Sidoo kale, labada masโuul ayaa isla gartay in loo baahan yahay in la fududeeyo howalaha safarka Caafimaadka ee ay dadka Soomaaliyeed ku tagaan dalka Hindiya.
Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Hindiya kala hadlay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed ay helaan adeeg Caafimaad oo tayadiisa lahubo, islamarkaana dhameystiran.