Muqdisho (SONNA): Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa xafiiska ku qaabilay safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya danjire Fei Shengchao.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Dr Maxamed Xasan Maxamed (Bullaale) ayaa looga hadlay aragtiyada cusub ee ku saabsan xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah ee ka dhaxaysa labada dal iyo kor u qaadista iskaashiga wasaaradaha caafimaadka ee Shiinaha iyo Soomaaliya.
Safiirka ayaa sheegey in dowladda Shiinaha ay wax yaabo badan ka caawin doonto wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, sidoo kalena ay sii laba jibaari doonaan dedaalada Shiinaha ee ku aadan ka qeyb qaadashada horumarinta caafimaadka Soomaaliya.
Wasaaradda cafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa ka faa’iidaysiga calaaqaadka wanaagsan ee Soomaaliya kala dhexeeya Shiinaha, si loo xaqiijiyo yoolka wasaaradda ee ku aadan aafimaad tayo leh oo dhamaystiran in bulshada la gaarsiiyo.