Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta kulan sagootin iyo xog isdhaafsi la yeeshey ku xigeenka ergeyga xogheyaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ms. Anita Kiki Gbeho.
Mudane Fiqi ayaa Kiki uga mahadceliyay howlaha baaxadda leh ee ay Soomaaliya ka qabatay muddada ay joogtay, isaga oo u rajeeyay guul howlgalka cusub oo UNka ugu aadi doonto Suudaan.