Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha gudaha XFS oo si rasmi ah u soo xiray Tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

By Aadan Sooyaal
Last updated: April 20, 2023
5 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka  iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa caawa soo gabo gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 30 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka oo av 15 ka mid ah ay ahaayeen degmooyinka Gobollka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka ka mid ah kuwaasi oo ay ku jiraan degmooyin laga xoreeyay khawaarijta, waxaana taaba-gelinta  si wadajir ah isaga kaashaday Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Munaasabadda xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa ka kaloo ka qeyb galay  Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye,  Agaasimaha Guud  ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, guddiga tartan cilmiyeedka, Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifataax Daahir Jeyte iyo xubno kale

Agaasime Cabdifataax Daahir Jeyte oo ka mid ah guddiga tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo xafladda hadal kooban ka jeediyay ayaa uga mahadceliyay tartamayaasha ka qeyb galay tartanka sida quruxda badan ee ay ku soo bandhigeen aqoontooda, isagoo mahadcelin gaar ah u jeediyay daadihiyeyaasha iyo gudiga tartanka oo u dhabar adeegay muddada uu tartanka socday, isla markaana uu xusay inay jireen Macalimiin Soomaaliyeed oo si qoto dheer ula socday hannaanka tartanka sanadkan.

“Tartanka sandkan aad ayuu u xiiso badnaa, dhiiri gelinta loo sameynayay degmooyinka ka sokow waxaa jirtay su’aalo dhextaal ah oo la weydiinayay dhageystayaasha iyo daawadayaasha ku taxan tartanka, kaasi oo habeenkasta uu bankiga IBS ku bjxinayay abaal marino lacageed oo ay caawa ugu dambeysay oo uu dhageyste ku guuleystay 300$, waxaan kaloo u mahadcelinayaa macalimiinta oo kaalin muhiim ah ka qaatay tartanka”. Ayuu yiri Agaasime Jeyte.

Qaar ka mid ah tartamaayashii kaalimaha koowaad iyo labaad ka galay tartanka oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ku siisay tartanka, ayna ku qanacsanyihiin natiijadii caawa tartanku ku soo idlaatay, kuwaasi oo isugu hambalyeeyay guusha.

Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

Guddoomiye Ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir mudane Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa yiri  “Runti waa wax lagu farxo in 30 degmo oo15 ka mid ah Gobolka Banaadir iyo 15 degmo oo Gobolada Dalka oo ay ku jiraan degmooyin dhawaan laga xoreeyay, khawaarijta in tartan nuucaani oo kale ah loo qabto, runtii tartaka waa mid ay Soomaali oo dhan ay ku xiranyihiin dal iyo dibad, hambalyo ayaan idin leeyahay”.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye oo khadka taleeefonka uga qeybgalay munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaan tartamaayashii ka qeybgalay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

“Hambalyo ayaan u dirayaa dhamaan intii ka qeybgashay, gaar dhamaan reer Galmudug waxaan u hambalyeynayaa guuleystayaasha tsrtanka sanadkan oo ah magaalada Dhuusamareeb, sidoo kale Gaalkacyo waxaan  leeyahay Hambalyo oo kaalinta 2-aad ka gashy tartanka iyo tartamayaasha Degmada Hodan oo kaalinta 3-aad ku guuleystay”. Ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in la joogo waqti aqoon lagu tartamayo, isagoo hambalyo u diray cidkasta oo gacan ka geysatay taaba-gelinta tartanka oo ah mid si weyn ay bulshadu ugu taxantahay.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  oo soo xiray tartan cilmiyeedka ayaa ugu horeyn hambalyo u diray guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan tartamayasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad oo kala ah Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Banaadir.

Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah u boggaadiyay  Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo kaalin muuqda ka qaatay,  maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS, isagoo xusay in tartanka uu ahaa Hooyada tartanka, maadaama ay ummadda Soomaaliyeed isha ku wada heysay hanaanka uu tartanka u socday.

“Waxaan hambalyo u dirayaa tartamayaasha ka qeyb galay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad,  2-aad iyo 3-aad, waxaan u mahadcelinayaa intii ka qeyb qaadatay iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamayo, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo igu sharaftay furitaanka iyo xiritaanka tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka”. Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝a 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Djibouti-(SONNA)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa ka qeybgalay daahfurka Madasha Wargeysyada Faafinta Rasmiga ah ee Afrika (Forum…

GudahaWararka
October 16, 2025

Wasirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Shiinaha u jooga Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane, Abshir Jaamac Haruuse ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Danjiraha Shiinaha u…

GudahaWararka
March 28, 2023

Guddoomiye Madaale oo kumanaan shacab ah kala qeyb galay Duco iyo xus loo sameeyay Shuhadadii ku naf-wayday dhacdooyinkii murugada lahaa ee 14-October 2017 & 29-October 2022

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenada G/Banaadir iyo Xoghayaha Guud…

GudahaWararka
October 14, 2023

Muxuu Wasiir Xoosh Kala hadlay Guddiga Xiriirka Arrimaha Xasillinta?

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa guddoomiyey kulanka Billaha ah ee…

GudahaWararka
September 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023