Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mundane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba bay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.
Ujeedada socdaalka wafdigan oo matalaya dowladda Soomaaliya ayaa la xiriirta ka qeybgalka shirka heerka caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda QM ee qaxootiga adduunka oo lagu qaban doono dalkaasi.
Kulankan oo ah kii 70aad aya waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowladda Soomaaliya.
kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.
Soomaaliya ayaa shirkan waxaa uu yahay fursad gaar ah,waxaana wafdiga lafilayaa in ay ku soo bandhigaan halkaasi daruufaha haysta qoxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.