Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa soo xiray madasha maayarada Soomaaliya, kaas oo wasaaraddu ay Muqdisho ugu qabatay maayarada Soomaaliya.
Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa sheegay in war-murtiyeedkii ka soo baxay madasha maayarada Soomaaliyeed wasaaradu dhinaceeda fulin doonto la iskulana xisaabtami doono. โShaqooyinka dhaqangelintooda heyโad walba shaqo ayaa ku soo aadday, degmooyinka, dowlad goboleedyada, dowladda federaalka ah iyo heyโadaha caawiya, qolo walba waxaa la hubin doonaa qeybta ay qaadatay, qorshaeaashaโ. ayuu yiri wasiir Fiqi.
Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane xhmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in magaalada Baladweyn ay ka jirto xaalad adag, oo daadad noocani ah ay ugu dambeysay 1981-dii, iyada oo hadda ay biyaha barakiyeen 90% dadkii magaalada, waxaa uu soo qaatay in wasaaradda iyo heyโadda maareynta musiibooyinka ay bixiyeen gargaar degdeg ah, waxaa uuna shacabka Soomaaliyeed iyo heyโadaha kala duwan ugu baaqay in gacan loo fidiyo reer Baladweyne.
Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Fiqi waxaa uu degmooyinka dalka ugu baaqay in ay qeyb ka noqdaan ololaha xoreynta dalka iyo degmooyinka ay inta badan ukumo dhigteen Khawaarijta, waxaa uuna hoosta ka xariiqay in dhowaan la bilaabayo howlgalka Libaaxa Madow ee careysan, oo cuni doona Khawaarijta.