Muqdisho (SONNA): Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Cali ayaa la kulmay wafdi sare oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee hay’adda Horumarinta iyo Iskaashiga Switzerland (SDC), Ambassador Patricia Danzi.
Wafdiga Switzerland waxaa kale oo qeyb ka ahaa: Ambassador Philipp Stalder, oo ah Madaxa qeybta Afrika ee Waaxda Federaalka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Safiirka Switzerland ee Soomaaliya, Mirko Giulietti, iyo madaxa iskaashiga caalamiga ah ee Geeska Afrika, Martina Durrer.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada sida: Federaaleynta, Xasillinta, Dib-u-heshiisiinta, iyo howlaha horumarinta dowladaha hoose.
Dhanka kale, labada dhinac ayaa mar kale adkeeyey ballanqaadkooda ku aaddan sii wadidda iskaashiga lagu taageerayo hortabinnada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo horumarinta gaarsiinta adeegyada dadweynaha ee heer deegaan.
