Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

By Aadan Sooyaal
Last updated: July 1, 2025
2 Min Read
Share

Dar es Salaam-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65 guurada Maalinta Gobonnimada dhismaha cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzania, oo xalay la xarig jaray si rasmi ah markii dib u dhis ballaaran iyo qalabayn lagu sameeyay.

Munaasabadda oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Tanzania, diblomaasiyiin iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa si wacan u qabsoontay.

Wasiirka ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay maalinta gobonnimada dalka ee ku beeggan Kowda Luulyo, isaga oo caddeeyay halganka taariikhiga ahaa ee Soomaalida ay naf iyo maal ugu hureen iska dul-qaadidda heeryada gumaysiga, xaqiijinta xorriyad iyo gobonnimo dhammaystiran oo qiimo mug weyn leh oo waara u leh midnimada, madax-bannaanida iyo hanka qaranka. Waxa uu bogaadiyay naf-huridda jiilashii hore, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhowridda qarannimada Soomaaliya iyo bedqabkeeda dhuleed, badeed iyo cir , iyada oo loo marayo diblomaasiyad iyo iskaashi joogta ah.

Mas’uuliyiinta kale ee Soomaaliyeed ee goob-joogga ka ahaa xafladda dabaaldegga Kowda Luulyo, waxaa ka mid ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay), iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Dhanka Dowladda Tanzania, waxaa xafladda uga soo qeybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Bariga Afrika, Mudane Danjire Mahmoud Thabit Kombo, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

 

Dabaaldegga ayaa lagu furay calan-saarka iyo tumidda heeska calanka Soomaaliya. Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa soo dhoweeyay martida, isaga oo ka hadlay qiimaha weyn ee ay leedahay 1-da Luulyo, xusayna in ay astaan ​​u tahay midnimada iyo rajada qaranka.

 

Maalinta Gobonnimada Soomaaliya waxaa lagu xusaa midowgii taariikhiga ahaa ee gobollada Waqooyi iyo Koonfur 1-dii Luulyo 1960-kii, taasoo horseedday dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waa maalin qaran oo ku weyn Ummadda Soomaaliyeed, dibna loo millicsado waayihii adkaa ee loo maray xoriyadda, is-raaca iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waa maalin mudnaanteeda leh oo ku suntan himillada qarannimada dalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta Tabarruca Beirut

Muqdisho-(SONNA)-Koox ka tirsan dhallinyarada Soomaaliyeed oo si iskaa wax u qabso ah xeebaha magaalada Muqdisho uga sameeya howlaha nadaafadda ayaa…

GudahaWararka
April 17, 2024

Sii-hayaha Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka tacsiyadeeyey geerida wariye C/qaadir Maxamed Mursal

Mareykanka(SONNA) Alla ha u naxriistee Waxaa dalka Mareykanka ku geeriyooday marxuum wariye C/qaadir Maxamed Mursal oo ahaa rugcadaa Saxaafadeed. Marxuumka…

GudahaWararka
October 1, 2020

Wafdi ka socda Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan ayaa maanta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde…

GudahaWararka
November 2, 2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Muqdisho(SONNA (:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane…

GudahaWararka
August 24, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023