Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo teleefoonka kula xiriiray Dhiggiisa Cumaan si loo xoojiyo wax wadaagga

La wadaag cid kale

Muqdisho (SONNA), September 02, 2021 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa maanta oo Khamiis ah, khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Saldanadda Cumaan, Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, oo ay ka wadahadleen xiriirka adag ee labo geesoodka ah ee labada dal ee walaalaha ah ka dhexeeya iyo xaaladihii ugu dambeeyay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah.

Labada wasiir waxa ay sidoo kale isla eegeen siyaabaha lagu xoojin karo iskaashiga iyo isku duwidda howlaha la danaynayo ee ku suntan dano wadaagga Soomaaliya iyo Cumaan.

 

La wadaag cid kale