Muqdisho (SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kaga qayb-galay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Isbahaysiga la-dagaalanka kooxda Daacish.
Shirkan oo ay si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga Amiir Faisal Bin Farhan iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Antony Blinken ayaa looga hadlay sidii argagixisada kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysaneyso qaar kamid ah dalalka Afrika looga adkaan lahaa meeshana looga saari lahaa.
Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa la wadaagay madaxda ka soo qeyb-gashay shirka horumarka laga gaaray hawlgallada dalka lagu xoreynayo iyo qorshaha xasilinta ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya waddo ee ka dhanka argagixisada.