Muqdisho (SONNA) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Ethiopia H.E Mukhtar Mohamed Ware.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa u rajeeyay safiirka cusub ee Ethiopia u soo magacaawday Soomaaliya inuu ku guuleysto xilka loo magacaabay, islamarkaana uu kor u qaado xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee saaxiibka ah dariskana ah.
“Dalka Ethiopia waxaan wadaagnaa xudduudda ugu dheer ee aynu la leenahay dalalka deriska ah, waxaana nagala dhaxeeya xiriir dhanka dadka ah iyo Iskaashi dhinacyada Ammaanka, Socdaalka,ย ganacsiga iyo Diblumaasiyadda caalamiga ah Waxaan rajaynayaa in danjiraha cusubi sii xoojiyo xiriirka wanaagsan ee labada dal” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Mudane Abshir Cumar Jaamac.