Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf.
“Waxaan nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf, jamhuuriyadda Jabuuti waxaan wadaagnaa xiriir walaaltinimo oo qoto dheer, waxaanna iska kaashannaa arrimaha muhiimka u ah labada dal ee heer gobol, qaaradeed iyo caalamiba” ayuu yiri Wasiir Abshir Cumar Jaamac.