Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal
GudahaWararka

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

By Abdulkadir
Last updated: December 22, 2025
2 Min Read
Share

Qaahira(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay magaalada Qaahira gelinkii dambe ee Sabtidii dhiggiisa Jamhuuriyadda Carabta Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha Masar.

Kulankan ayaa dhacay intii uu socday Shirka Labaad ee Heer Wasiir ee Madasha Wada-hadalka Ruushka iyo Afrika, oo ka qabsoomay Qaahira 19โ€“20 Diseembar 2025.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta, maalgashiga iyo amniga. Labada dhinac ayaa adkeeyay muhiimadda uu leeyahay iskaashi wax ku ool ah oo gacan ka geysta xasilloonida iyo horumar waara.
Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa soo dhaweeyay taageerada joogtada ah ee Masar ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Masar, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, amniga iyo dhismaha awoodda hayโ€™adaha. Sidoo kale, wuxuu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada heer gobol si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa, Wasiir Dr. Badr Abdelatty ayaa bogaadiyay horumarka wanaagsan ee xiriirka Masar iyo Soomaaliya, wuxuuna mar kale xaqiijiyay ballanqaadka Masar ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal. Wuxuu tilmaamay in dib-u-furista Safaaradda Masar ee Muqdisho ay fududeyn doonto wada-shaqeyn diblomaasiyadeed oo dhow iyo isku-duwid ka wanaagsan oo u dhexeysa labada dowladood.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda amniga ee gobolka, iyadoo Masar ay mar kale caddeysay taageeradeeda ku aaddan xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika. Masar ayaa sidoo kale adkaysay baahida loo qabo maalgelin caalami ah oo joogto ah si loo taageero Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo hubiyo guushiisa iyo waxtarkiisa.

Labada wasiir ayaa si wadajir ah carrabka ugu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga la-dagaallanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si wax looga qabto khataraha ku wajahan nabadda iyo amniga gobolka.

 

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo uguย hambalyeeya geesiyaasha Xoogga Dalka guulaha ay ka gaareen dagaalka khawaarijta

Muqdisho(SONNA):-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay ciidamada geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Jubbaland…

GudahaWararka
June 10, 2024

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray amniga, bilicda iyo adeegyada bulshada

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta guddoomiyay shirka mas'uuliyiinta degmooyinka, kaas oo…

GudahaWararka
September 2, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Janaasada ku tukaday AUN Marxuun Maxamed Cumar Saalixi “Sawirro”

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Masjidka Isbahaysiga Islaamka ku tukaday salaadda janaasada ee Marxuum…

GudahaWararka
September 3, 2021

Soomaaliya oo xustay Maalinta Boostada Adduunka

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya,Eng; Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in ay heer gaba-gabo ah marayaan dedaallada dib loogu…

Wararka
October 9, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023