Muqdiaho(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Absher Cumar Jaamac ayaa magaalada Qaahira kaga qayb galay shirka Jaamacadda Carabta.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira dhiirigelinta iskaashiga Carabta ee dhinacyada kala duwan, isku xirka mowqifyada Carabta ee ku aaddan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee hadda jira, arrimaha la xiriira ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa saaxiibtinimada iyo iskaashiga dalalka adduunka, si kor loogu qaado danahaย waddamada Carabta.
Shirka ayaa diirradda lagu saaray sanadkaan arrimo ay ka mid yihiin Amnga guud dalalka,dagaalada ka socda qaar ka mid ah waddamada Carabta,dhibaatooyinka xagjirka,horumarinta ganacsiga,siyaasadda, dhanka kale waxaa looga hadlay arriimo si gaar ah u khuseeya waddamada Syria, Yemen, Ciraaq iyo Liibiya.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac ayaa shirar doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka Carabta oo u kala kala hadlay arrimo si gaar ah u Khuseeya Soomaaliya.