Muqdisho (SONNA):-Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska u fadhin doona dalkeena danjire Michael Nithavrianakis.
“Dalkeena iyo boqortooyada UK waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer oo iskaashi ku dhisan, waxaana ka wada shaqaynaa dhinacyada ammaanka, mashaariicda horumarinta, dhaqaalaha iyo gargaarka” ayuu yiri mudane Huruuse.
Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa intaas ku daray in dowladda Ingiriisku aheyd dowladdii ugu horaysay ee wadamada reer galbeedka ka tirsan ee safaarad fadhigoodu yahay Muqdisho ka furatay dalkeenna burburkii ka dib.