Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Amb: Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta soo gabagabeeyay tababar Diblomaasiyadeed iyo Hab-maamuus oo loogu talagalay safiirrada cusub ee dhowaan la magacaabay, kaasi oo lagu qabtay Machadka Diblomaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Tababarkan, oo socday intii u dhexeysay 2-da ilaa 14-ka Nofeembar 2024, ayaa u diyaariyay safiirrada xirfadaha ay ugu baahan yihiin si ay Soomaaliya si hufan ugu metelaan fagaarayaasha caalamka.
Wasiirku, waxa uu carrabka ku adkeeyay doorka safiirrada ee horumarinta sumcadda Soomaaliya iyo ku dhawaaqista siyaasad aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo wax u dhimaya madax-bannaanida dalka. Waxa uu sidoo kale si adag u cambaareeyay faragelinta shisheeye, isaga oo ku adkeeyay in madax-bannaanida Soomaaliya aan la waxyeelayn karin.
Tababarka waxaa bixiyay khubaro iyo diblomaasiyiin waayo-arag ah, waxaana lagu baray safiirrada aasaaska diblomaasiyadda iyo hab-maamuuska. Shahaadooyin sharaf ayaa la guddoonsiiyay macallimiintii tababarka ka qayb qaatay si loo aqoonsado doorkooda muhiimka ah.
Wasiirku, wuxuu mar kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga goโan tahay horumarinta dimuqraadiyadda iyada oo loo marayo doorashooyinka gobollada iyo nidaamka โqof iyo cod,โ oo ah tiir muhiim ah oo horumarinta dalka.
Hindisahan waxa uu muujinayaa sida ay Wasaaradda uga goโan tahay xoojinta awoodaha diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo kor u qaadidda sumcadda caalamka.