Muqdisho (SONNA): Wafdi balaaran oo ka socda hay’adda WFDP oo uu hogaaminaayo Ambassador Akramy El zaghat oo ah madaxweeynaha WFDP ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaa ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda dowladda FS mudane Abshir Cumar Huruuse oo au wehliyaan xoghayaha joogtada ah ee arrimaha dibadda Xamsa Aadan Xaadoow, agaasimaha waaxda hab-maamuuska wasaarada arrimaha dibada Yaxye Yusuf Xaaji Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka ayaa wafdiga ka socday hay’adda WFDP ku qaabilay qaybta VIP-da ee garoonka, kulankaas oo ku aadanaa sida hay’addu uga shaqeeyn doonto dalka, iyo sida ay ula falgali doonto wasaaradaha ay quseeyaan hawlaha ay dalka ka qabanayso dhawaan.
Hay’adda ayaa dalka ka fulin doonta mashaariic ay ka mid yihiin inay Soomaaliya kala shaqayso kordhinta maalgashiga, kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha gaar ahaan kordhinta xirfadaha haweenka iyo arimaha bini’aadnimada.
Golaha Xukuumadu ayaa horey u ansiyey 15-kii bishii Juun in ay dalka ka shaqeyso iyadoo fadhigeedu uu noqon doono Mogadishu maadaama ay hadda xarun ku leeyihiin magaalada Nairobi ee dalka Kenya.