Dimishiq-(SONNA)- Wakaalada wararka ee Suuriya SANA ayaa Subaxnimadii hore ee Saakay xaqiijisay geerida Wasiirkii arimaha dibadda iyo Qurba joogta ee dalkaasi Dr. Walid Mohi Edine Al Muallem oo aadย caan ugu ahaa. Dr. Walid Al Muallem
Dr. Walid Al Muallem wuxuu ka mid ahaa ugu fir fircoonaa Xisbigii Al- Bacath ee mudada nus qarniga dalkaasi hoggaaminayay, waxuuna caan ku ahaa qabashada shirarka Jaraaโid ee uu ku difaaci jiray aragtida siyaasadeed ee nidaamka, wuxuu aad hoos ugu dhigi jiray afkaar kasta oo taas ka soo hor jeeda.
Walid Al Muallem waxaa uu ku dhashay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya July 17,1941dii, wuxuuย waxbarashadii illaa dugsiga sare kaga baxay magaalada Dimishiq.
1963dii wuxuu Shahaadada B.A Jaamacadda gaar ahaan cilmiga dhaqaalaha ka qaatay Qahira University ee dalka Masar,1964tii wuxuu ka mid noqday howlwadeennada arimaha dibadda ee Suuriya.
Dhamaadkii Lixdamaadkii iyo billowgii Todobaatanaadkii wuxuu ka soo mid noqday ergada diblomaasiyiinta Suuriya u fadhiday dalalka Tanzania, Saudi Arabia,Espain iyo Ingiriiska.
1975 wuxuu noqday safiirka Suuriya ee dalka Romania, kadib wuxuu ku soo noqday dalkiisa halkaasi oo xilal kala duwan ka qabtay Wasaaradda Arimaha dibadda.
1990kii wuxuu noqday safiirka Suuriya u fadhiya dalka Maraykanka xilkaasi oo uu hayay illaa 1999kii.
Sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay kaaliyaha Wasiirka arimaha dibadda, wax yar kadibna wuxuu noqday wasiir ku xigeenka Arimaha dibadda, xilkaasi ku xigeenkana wuxuu hayay illa 2005tii.
Diblomaasi Sare Walid Al Muallem wuxuu noqday Wasiirka Arimaha dibadda iyo Qurba joogta ee Suuriya sanadkii 2006dii xilkaasi oo uu hayay illa uu ka geeriyoodo.