Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq
GudahaWararka

Wasiirka Amniga XFS oo booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 14, 2025
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ku sugan dalka Ciraaq ayaa booqday xarunta taliska ciidanka xudduudaha ee dowladda Ciraaq, isagoo ay weheliyaan Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdalla Cabdalla, Agaasimaha guud ee Wasaradda Amniga Yuusuf Cali iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Danjire Ridwaan Xirsi Maxamed.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay xarunta, waxaana qaabbilay Taliyaha Ciidanka Xudduudaha, Sarreeyo Guuto Maxamed Cabdil Wahab Sukkar iyo saraakiil sare oo ka tirsan taliska.

Intii ay booqashada ku guda jireen wafdiga ayaa dhageystay warbixin kooban oo ku saabsan waajibaadka muhiimka ah ee talisku fuliyo, gaar ahaan howlaha lagu xaqiijinayo nabadgelyada xudduudaha dalalka deriska ah, iyadoo la adeegsanayo nidaamyada casriga ah iyo farsamooyinka tiknoolojiyadda horumarsan.

Sidoo kale, Wasiirka iyo wafdigiisu waxay indha-indheeyeen xarunta la socodka iyo xakamaynta dalka Ciraaq, halkaas oo sawirrada iyo muuqaalada laga soo duubay xuduudaha dalalka deriska ah looga soo gudbiyo xarunta dhexe ee Baqdaad, si loo fududeeyo kormeerka iyo ilaalinta xudduudaha.

Wasiirka Fartaag ayaa ammaanay shaqada xirfadeed ee ay qabtaan taliska ciidanka xuduudaha Ciraaq, gaar ahaan dedaallada ku aaddan ka hortagga soo galootiga sharci-darrada ah iyo hawlaha ka dhanka ah tahriibka, isagoo ku tilmaamay dedaalladaas kuwo mudan in laga tusaale qaato.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga la-dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya iyo Ciraaq, isdhaafsiga waaya aragnimada iyo farsamooyinka la xiriira ilaalinta xuduudaha.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Guddoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur-galbeed oo looga…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxwaynaha Puntland oo Daahfuray Dhismaha Ballaarinta iyo Horumarinta Dekeda Boosaaso

Boosaaso-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta daah furay dhismaha ballaarinta iyo horumarin Dekeda Magaalada Boosaaso, taasi oo…

GudahaWararka
January 24, 2023

Saddex qof oo lagu dilay magaalada NICE ee Koonfurta Dalka Faransiiska “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Seddex  qof ayaa ku dhimatay magaalada NICE ee koonfurta dalka Faransiiska kaddib markii nin uu tooreey weeraray goob kaniisad…

Wararka
October 29, 2020

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo la kulmay Ergeyga gaarka ah ee wada hadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga cusub ee…

GudahaWararka
April 4, 2023

Booliska Degmada Howlwadaag Oo Gacanta Ku Dhigay Guri Lagu Beeray Xashiish Iyo Dadkii Ku Lugta Lahaa

Ciidamada Booliska Saldhigga Dagmada Howlwadaag ee Gobalka Banaadir ayaa howlgal ay caawa ka sameeyeen xaafadda Tookiyo ee Dagamada Howlwadaag kadib…

GudahaWararka
January 8, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023