Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
    MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY JABUUTI
    March 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Dhuusamareeb ka furay shirka Wadatashiga horumarinta Amniga.
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Dhuusamareeb ka furay shirka Wadatashiga horumarinta Amniga.
GudahaWararka

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Dhuusamareeb ka furay shirka Wadatashiga horumarinta Amniga.

By Bile
Last updated: May 19, 2024
2 Min Read
Share

Dhuusamareeb-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta Dhuusamareeb ka furay shirka sanadlaha ah ee Wadatashiga Horumarka Amniga, kaas oo ay ka qeyb galayaan Wasaaradadaha Amniga iyo talisyada Booliiska dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirkan ayaa waxaa looga wada hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay kamid yihiin, Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2), Sharciga Booliiska Soomaaliya, Qorshaha Istiraatijyada Amniga Gudaha, iyo bixitaanka ATMIS.

Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa sheegay in shirkani uu yahay mid lagu xaqiijinayo sidii ay Soomaaliya u gaari lahayd nabad iyo xasillooni waarta, isla markaana loo xaqiijin lahaa qorshayaasha muhiimka u ah gaarista nabad waarta.

“Iskaashiga iyo wadajirka Wasaaradaha Amniga iyo talisyada Booliiska ee labada heer, waa muhiim, si loo gaaro hadafyada amniga ee Qaranka, waxaan rajeynayaa natiijooyin wax ku ool ah oo kor u qaadaya amniga iyo nabadda Soomaaliya in shirka ay ka soo baxaan”. Ayuu yiri Wasiirka Amniga oo furitaanka shirka ka hadlayey.

Shirka sanadlaha ah ee wadatashiga horumarka amniga, ayaa waxaa sidoo kale hadallo ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirrada Amniga ee Dowlad-goboleedyada iyo saraakiil ka tirsan Booliiska.

Qodobada lagu falanqeyn doono shirka, isla markaana laga soo saari doono go’aamada ku habboon, shirkan oo soconaya 19 – 20 May 2024, ayaa waxaa ka mid ah:

  1. Mashruuca Wadajirka Booliiska (JPP-2).
  2. Sharciga Boliiska Soomaaliya.
  3. Qorshaha Istiraatijyada Amniga gudaha.
  4. Mashruuca BASIS.
  5. Nooca cusub ee Boliiska (New Policing Model).
  6. Hirgelinta qoondada qeybinta 40,000 Boliiska labada heer.
  7. Qorshaha xasilinta goobaha la xoreeyay.
  8. Bixitaanka ATMIS kadib (Post ATMIS).
  9. Qorshaha hawlgalka cusub ee ATMIS kadib.

TAGGED:Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo Dhuusamareeb ka furay shirka Wadatashiga horumarinta Amniga.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay cutub loo qaadayo tababar aqoon kororsi ah

Muqdisho.SONNA...Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo la hadlay cutub kamid ah ciidanka…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Sanataro ka tirsan Aqalka sare oo ka shiray dib-u-eegista Dastuurka

Muqdisho,(SONNA):- Sanatarro ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo si qoto…

GudahaWararka
February 8, 2026

Soomaaliya iyo IMF oo ka hadlay Arrimo la xiriiray deyn cafinta dalka

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Fedederaalka Soomaaliya Dr.C/raxmaan Ducaale Beyle , ayaa ka warbixiyay shir looga hadlaayey dhammeystirka deyn cafinta dalka,kaas oo…

Gudaha
January 7, 2023

R/Wasaare Xamsa ku baaqay in la dardargaliyo howlaha ku aadan la dagaalanka khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Somaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ku baaqay in la  dardargaliyo howlaha ku aadan la dagaalanka…

Gudaha
June 2, 2023

Howlgal dhanka cirka ah oo lagu dilay ku dhawaad 50 ka tirsan Khawaarijta

Muqdisho, (SONNA):- Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar dhanka cirka ah ku dilay…

GudahaWararka
April 8, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023